Thursday, June 20th, 2013

Danjire M.Cali Ameeriko Halyeey Somaliyeed

Published on December 1, 2012 by   ·   No Comments

Waa Kuma Maxamed Cali Nuur  “Ameeriko” ??????

Dad badan oo Soomaali iyo shisheeye isugu jira waxaa hubaal ah in durbadiiba ay garanayaan marka ay dhagahooda kusoo dhacaan ama maqlaan magaca Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” oo ah danjiraha Somaliya umatala Kenya.

Cali Ameerko waa muwaadin,halyeey iyo geesi Soomaaliyeed oo u halgama magaca umada Soomaaliyeed iyo jiritaankeedaba ilaaa intii uu soo barbaaray, sida ay ku waramayaan dad yaqaana taariikh nololeedka Safiir Maxamed Cali ilaa yaraantiisii.

Kadib markii Cali Ameeriko loo soomagacaabay Safiirnimada Soomaaliya ee Kenya sanadii 2007 ayaa waxaa biyo kama dhibcaan ah in uu dhulka ka qaaday magacaga Umada Somaliyeed gaar ahaan Somalida ku nool Kenya, kuwaas oo si weyn u dareemay in awood siyaasadeed iyo mid jiritaanba ay ku leeyihiin Kenya.

Danjire Ameeriko waa shaqsi naxariis badan,aragti dheer,damiir wadaninimo ay ka muuqato, caawiyana dadka masaakiinta ah xilli kasta iyo meel walbo uu joogo,wax walbana ka hormariya danta qaranka iyo hormarka shacabka Somaliyeed.

Safiir Maxamed waxaa uu si hagar la,aaneed ah ucaawiyaa una difaacaa shacabka Somaliyeed ee ku dhaqan Kenya xilli kasta gaar ahaan marka Xaafada Islii iyo xeryaha qaxootiga Dhadhaab ay ka dhacaan falal dhib ku ah Somalida masaakiinta ah ee dusha looga tuuro dambiyada aysan galin.

Cali Ameeriko waxaa uu habeen iyo maalin naf iyo maalba uhuraa sidii ay ku hormari lahaayeen shacabka Somaliyeed, gaar ahaan kuwa degan kana ganacsada ama qaxootiga ku ah degaanada kala duwan ee Kenya,taas oo muujineysa astaan halgamaanimo.

Anigoo ah qoraha warbixintan aqoon buuxda iima lahan Cali Ameeriko lakiin aniga ayaa si wanaagsan ugaranayaa lana socda dhaqdhaaqiisa wadaninimo ee ku wajahan dalkeena iyo dadkeena.

Kenya waa midka mid ah dalalka Afrika ee ay sida xad dhaafka ah ugu noolyihiin Somali badan oo nolol wanaagsan iyo amaan wanaagsan ku hesyta marka laga yimaada xaalada oo beryahaan dambe wanaagii hore iska badashay.

Safaarada Somaliya ee Kenya waa safaarada ugu horeysa marka wax-qabadka laga hadlaayo dhamaan safaaradaha kale ee dunida kaga furan magaca Somaliyeed,taasina waxay ku timid dadaal xad dhaaf ah oo uu bixiyay Safiir Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

Halyeeynimada Danjire Ameerko waxay muujinaya sida uu waqtiga iyo dhaqalaha ugu bixiyay dib usoocelinta safaraadii hore ee Somaliya oo sanado badan si xaq darro ah gacanta ugu jirtay nin udhashay dalka Hindiya oo si aan sharci ahayn looga iibiyay kadib burburkii dowladii dhexe ee dalka.

Cali Maxamed Nuur Ameeriko waxaa uu xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyaa dhamaan dadka Somaliyeed ee fahmaya qiimaha wadaniyada iyo dowladnimada, gaar ahaan waxay soo dhaweyn wacan kala dhaxaysaa dhamaan Somalida ku nool Kenya oo si isku mid ah u faraxa marka ay maqalaan magaca Cali “Ameeriko”

Hadaba maxaad ku tilmaami kartaa Safiir Maxamed Cali Nuur Ameeriko hadiiba uu ku sifoobay astaamaha kor ku xusan?????

Lasoco Qeybta 2-aad oo aan si qotadheer aan kaga hadli doono wax–qabadka Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

W/Q: Maxamed Nuur “Wadani Yare”

Email: Wadaniyare2012@gmail.com

Readers Comments (0)




Wararka

Danjire M.Cali Ameeriko Halyeey Somaliyeed

Waa Kuma Maxamed Cali Nuur  “Ameeriko” ?????? Dad badan oo Soomaali iyo shisheeye isugu jira waxaa hubaal ah in ...
Jack

Muqdisho Oo Saaka Gashay Jawi Cusub Iyo Isbaarooyinkii Oo Laga Qaaday

Muqdisho:-Waxaa maanta Malagaalada Muqdisho laga dareemayaa jawi cusub ay farxadi ku dheehan tahay, kadib markii Ciidamada Xooga Soomaaliyeed ...
CPT-Cape-Town-panorama-from-aircraft-b

Capetown iyo Soomaalidii 1950-kii “Warbixin xiiso badan

Mid ka mid ah weeydiimaha ugu caankasan ee Soomaalida dalkani ay dhexdooda is weeydiiso ayaa ah “goormaa ayaad ...
libaax-iyo-Madoobe3

Ciidamada Raskambooni iyo Ahlu Sunna oo ku biiraya Ciidamada dowlada

Kismaayo:-Dowlada Somalia ayaa waxaay qorshaysanaysa in ay  dhawaan Ciidamada  Ahlusunna Waljamacaa iyo Raskambooni  ku darto Ciidamada Xogga Dalka ...
Arday

Boqolaal arday oo ka qalinjibisay Jaamacada Simad

Muqdisho:-Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay ku qalin jebinayeen in kabadan 600 Arday oo iyagu ...
Dr.-Saacid

Waa maxay ujeeda Muqdisho ciidamo gaar ah loogu sameynaayo???,,

Muqdisho:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay uga hadleen arrimaha dalka gaar ...
itoobiya-300x200

Xilligee ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan Somaliya???

Adiss ababa:-Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in Ciidamadeeda aysan kala baxeen Soomaaliya ilaa inta laga ciribtirayo Kooxda Al-shabaab ,iyadoo ...
muzafer_ermis19ac0deb198e4a98by

Wasiirka Howlaha Guud Iyo Dib U Dhiska Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Turkiga

Muqdisho:_Wafdi ballaaran oo Turki ah oo isugu jira Ganacsato iyo Injineero ayaa saaka soo gaaray xafiiska Wasiirka wasaaradda ...
Faroole

Dadka reer Boosaaso oo soo dhaweyn diiran usameeyay Faroole+Sawiro

Bosaaso:-Duleedka xarunta ganacsiga Puntland ayaa si weyn maanta 29 November,2012 loogu soo dhoweeyey madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed ...
Kismaayo1

Dagaal xoogan oo Kismaayo ka dhacay.

Kismaayo:-Mid kamid ah dagaaladii ugu xooganaa ee ay waayadan isaga hor yimaadaan ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ayaa maantaka ...
.