Wednesday, June 19th, 2013

Xiiro xaasidkaana ha usheegin”Murti somaliyeed

Published on November 30, 2012 by   ·   No Comments

Soomaalidu waxaa ay caan ku tahay dhinaca ku Cabiridda Suugaanta, waxayna hodan ka tahay Maah Maahyada ku soo Aroora Ujeedada ay ka leeyihiin waxa ay doonayaan in si dadban ay u gudbiyaan, qoddo dheerida Xigmadda Soomaalidana waa tan wax walba ay ku sheegtay Suugaanteeda kala duwan.

Xiiro Xaasidkaagana ha u Sheegin waa Ereyo Xanbaarsan micno aad u ballaaran dhankii la doonana loo jeedin karo ha yeeshee inta aanan u gondada deign qormadan iyo Ujeedada ka danmbaysa bal hor iyo horaan aan is weeydiino Xiirashada iyo sida ay Soomaalidu u aragto.

Timaha oo la Xiidho wax ku cusub Soomaalida ma aha haba soo mareen maraaxil kala duwan gaar ahaana inta qofku Da’da Ilmanimada uu ku jiro iyadoo xiliyadaas ay tahay Xilliyada Ilmaha loo Xiiro Timaha, waxaana Marxaladdii ugu horeysey ee Tima Xiirashada ay ku bilaaban tay Ilmaha oo Madaxa laga Xiiro kaddibna in yer oo Tima ah Madaxa bartankiisa loogu reebo waana Xiirmada loo yaqaano Dhoorka.

Marxaladdaas tii xigtay ayaa ahayd markii ay bilaaban tay wixii  loo yiqiin Jeega Xiirka oo dadku siyaalo kala duwan Timaha ay u xiiran jireen taasoo si weyn loogu kala duwanaa.

Marka aynu ka nimaadno hab dhaqanka xiirashada waxaa jira in Diinteena Muqadaska ah ay na farayso in Timaha la iska Xiiro ama la iska gaabiyo iyadoo si gaar hana loogu Xusay Qur’aankeena Kariimka gaar ahaana marka lagu guda jiro Gudashada waajibaadka Xajka.

Waxaa kaloo jira Sunada Nabigeenii Suubanaa Naxariis iyo Nabadgelyo dushiisa ha ahaatee ku soo Ururtay taasoo na faraysa in timaha la iska gaabiyo ama la iska Xiiro.

Xiiro Xaasidkaagana ha u Sheegin marka dhinac kale aan ka fiirino Ciidamada qalabka sida marka ugu horeysa oo Askeri ka tirsan Ciidamada Shaqadaas loo qoro tallaabada ugu horeysa ee Askerigaas lagula dhaqaaqo waa iyadoo madaxa laga Xiiro mudada uu ku jiro dhibbowga ama Kuruudka sababta sidaa loo yeelayana ay tahay in lagu aqoonsado Ruuxaas Madaxa Xiiran inuu yahay  Askeri leeyli ah ama ku jira Tababarka Ciidanimada.

Shariif Aadan oo ah wiil dhallinyara ah kana mid ah dhallinyarada ku dhaqan Magaalada Muqdisho mar walbana Madaxa XiirtaYUUL ayaan weeydiiyay sababta uu mar walba Madaxa u Xiirto wuxuuna ii sheegay in Xiirashada Madaxa uu ka helo Caafimaad isla markaana uu dareemo caafimaad uusan dareemeyn marka ay Timaha ku yaaliin isagoona mar walba iigu hal qabsada Maah maahda Tiraah ”Xiiro Xaasidkaagana ha u Sheegin”.

Marka aan intaa uga gudbo Gogol dhiggii Maqaalkeyga ayaan waxaan jeclahay inaan u Gondda Dego Ujeedka aan ka leeyahay Maqaalkeygan ayaa waxa jirta in maalmahan danbe Magaalada Muqdisho ay ku soo badanayaan Dhallinyaro wada “Marka aan intaa uga gudbo Gogol dhiggii Maqaalkeyga ayaan waxaan jeclahay inaan u Gondda Dego Ujeedka aan ka leeyahay Maqaalkeygan ayaa waxa jirta in maalmahan danbe Magaalada Muqdisho ay ku soo badanayaan Dhallinyaro wada “YUUL” ama wada basa Xiir ah  taasoo aad arkayso dhallinyaro fara badan oo Madaxu u Xiiran yahay kuwaasoo ku xarooganaya iyagoo ku qanacsan in Madaxu u xiirnaado.

Dhallinyaradan ayaa badankooda la ii sheegay in ay yihiin qurba jog dhawaan soo gaadhay magaalada Muqdisho kuwaasoo si aan yax yax lahayn Magaalada ugu dhex laafyoonaya.

Qofka madaxa Xiiran Xarago uu Xiirmadaas ku xaragoodo ha joogtee wuxuu awal ka cabsan jiray Su’aalaha uga imaanaya dadka kale oo weeydiinaya Su’aasha ah “Maxaad Madaxa Isaga Xiidhay Ma xanuunsatay iyo wixii la mid ah”? taasoo awal qofka nacsiin jirtay inuu Madaxa Iska Xiiro.

Xasan Cali Isaaq oo ka mid ah Dhallinyarada sida joogtada ah u Xiirata Madaxa oo aan la sheekeystay ayaa ii sheegey inuu ku faraxsan yahay in Madaxu u Xiirnaado mar kasta, sababta arrintaa ka danbaysa markii aan u dhabba galayna wuxuu ii sheegay oo si Hoose iigu sheegay in Sababata ugu weyn ee sidaa loo yeelayo in ay tahay iyadoo Bidaarta lagula dagaalamayo isla markaana si aan loo ogaan in ruuxaasi Bidaar leeyahay uu ka door bidayo inuu Maalin walba uu madaxa Xiidho iyadoo la Isticmaalayo qalab Electronic ah.

Isku soo Wada Duubo Xiiro Xaasidkaagana ha  u sheegin waxa ay isugu soo biya shubanaysa in Dhallinyaradan faraha badan ee Magaalada Muqdisho ku soo badanaysa Madaxuna u Xiiran yahay ujeedada ugu weeyn in ay tahay qarin lagu qarinayo Bidaarta, taasi ulama jeedo inaan si gaar ah u beegsanayo Dhallinyarada Bidaartu gashay waxaanse u arkaa inay tahay Xal loo helay Bidaarta oo muddo dheer loo raadinayay Dawo. Xiiro Xaasidkaagana ha u Sheegin waa Murti Dhaxal gal ah.

W/D  Ustaad Aadan Macalim Cabdulaahi

                      ( Aaddaamo)

Readers Comments (0)




Wararka

Danjire M.Cali Ameeriko Halyeey Somaliyeed

Waa Kuma Maxamed Cali Nuur  “Ameeriko” ?????? Dad badan oo Soomaali iyo shisheeye isugu jira waxaa hubaal ah in ...
Jack

Muqdisho Oo Saaka Gashay Jawi Cusub Iyo Isbaarooyinkii Oo Laga Qaaday

Muqdisho:-Waxaa maanta Malagaalada Muqdisho laga dareemayaa jawi cusub ay farxadi ku dheehan tahay, kadib markii Ciidamada Xooga Soomaaliyeed ...
CPT-Cape-Town-panorama-from-aircraft-b

Capetown iyo Soomaalidii 1950-kii “Warbixin xiiso badan

Mid ka mid ah weeydiimaha ugu caankasan ee Soomaalida dalkani ay dhexdooda is weeydiiso ayaa ah “goormaa ayaad ...
libaax-iyo-Madoobe3

Ciidamada Raskambooni iyo Ahlu Sunna oo ku biiraya Ciidamada dowlada

Kismaayo:-Dowlada Somalia ayaa waxaay qorshaysanaysa in ay  dhawaan Ciidamada  Ahlusunna Waljamacaa iyo Raskambooni  ku darto Ciidamada Xogga Dalka ...
Arday

Boqolaal arday oo ka qalinjibisay Jaamacada Simad

Muqdisho:-Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay ku qalin jebinayeen in kabadan 600 Arday oo iyagu ...
Dr.-Saacid

Waa maxay ujeeda Muqdisho ciidamo gaar ah loogu sameynaayo???,,

Muqdisho:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay uga hadleen arrimaha dalka gaar ...
itoobiya-300x200

Xilligee ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan Somaliya???

Adiss ababa:-Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in Ciidamadeeda aysan kala baxeen Soomaaliya ilaa inta laga ciribtirayo Kooxda Al-shabaab ,iyadoo ...
muzafer_ermis19ac0deb198e4a98by

Wasiirka Howlaha Guud Iyo Dib U Dhiska Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Turkiga

Muqdisho:_Wafdi ballaaran oo Turki ah oo isugu jira Ganacsato iyo Injineero ayaa saaka soo gaaray xafiiska Wasiirka wasaaradda ...
Faroole

Dadka reer Boosaaso oo soo dhaweyn diiran usameeyay Faroole+Sawiro

Bosaaso:-Duleedka xarunta ganacsiga Puntland ayaa si weyn maanta 29 November,2012 loogu soo dhoweeyey madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed ...
Kismaayo1

Dagaal xoogan oo Kismaayo ka dhacay.

Kismaayo:-Mid kamid ah dagaaladii ugu xooganaa ee ay waayadan isaga hor yimaadaan ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ayaa maantaka ...
.