Wednesday, June 19th, 2013

Yurub oo laga cabsi qabo in hilibka xalaasha ah laga waayo…….

Published on November 30, 2012 by   ·   No Comments

Dawlada Poland ayaa noqotay dalkii afraad ee si rasmi ah u joojiya gawraca xoolaha ee inta badan ay ku dhaqmaan dadyowga aaminsan diimaha Islaamka iyo Yuhuuda ee Tawraad, oo ah labada diimood ee shareeco ahaan loogu dhaqmo.

Sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen Maxkamadda Sare ee dalka Poland ayaa shalay ku dhawaaqday in la joojin doono oo waddankaas mamnuuc ay ka tahay, gawraca xooluhu, taas oo meesha ka saaraysa hilibkii xalaasha ahaa ee jaaliyadaha Muslimiintu cuni jireen, waxa kale oo iyaguna waayi doona hilib xalaal ah dadka Yuhuuda ah.

Garsooraha maxkamada sare ee dalka Poland ayaa ugu mar marsiyootay inuu ka soo hor jeedo dastuurka dalkaas iyo hab dhaqanka xayawaanka, isaga oo ku dooday in gawracu uu meel ka dhac ku yahay, sharciga waddankaas, waxa kale oo uu xusay in si kama danbays ah loo mamnuuci doono.

Garsoorahan ayaa sheegay in sharcigaasi uu dhaqan gal noqon doono sanadka soo socda ee 2013-ka, waxaanu garsoorahani sheegay in sharcigaas loo fulinayo si uu dalkaasi ula jaan qaado, nidaamka xoolo qalista ee dalalka Midowga Yurub oo dhawaan lagu soo rogay waddamada doonaya, hasa yeeshee waxa uu xusay in sharcigaas rafcaan laga qaadan karo, isaga oo tilmaamay in rafcaan guud ahaan laga qaadan karo, marka uu dhaqan galo sharciga midowga Yurub ee qaliinka xoolaha.

Sida sharcigan ay isla qaateen waddamada reer Yurub dhigayo waxa qof kasta oo xoolo qalanaya ama digaag qalanaya looga baahan yahay, inuu ku turqo irbad nafta ka saaraysa, taas oo marka loo eego sida ay dhigayaan shareecada Islaamka iyo diinta Tawraad ee Yuhuudu aaminsan yihiin, aanay xoolaha, digaaga iyo wixii sidaa loo dilaa ahayn mid xalaal ah oo uu bakhti yahay.

Talaabooyinkan midowga Yurub iyo waddamada ka tirsani ka qaadanayaan gawraca xoolaha ayaa loo malaynayaa inay la xidhiidho, hilibka xoolaha ee xalalka loo yaqaano oo ah mid si waafaqsan diimaha Islaamka iyo Tawraad loo qalo, oo suuq wayn leh si laxaad lehna looga isticmaalo dalalka Reer Yurub, kaas oo ay ka ashkatoodeen shirkadaha hilibka qala ee dalalka midowga Yurub.

Hasa yeeshee jaaliyadaha Muslimiinta iyo Yuhuuda ayaa sharciyadan lagu mamnuucayo gawraca xoolaha ku tilmaamay, mid xad gudub iyo tacadi ku ah iyaga oo xuquuqdooda ku dhaqanka aaminaadooda ay ka soo horjeedaa, labada jaaliyadood oo laba bilood ka hor ka mudaharaaday, go?aan kan oo kale la mid ah oo maxkamada sare ee dalka Jarmalku ka qaadatay, ayaa ku tilmaamay mid ujeedada ka danbaysaa tahay arrimo ganacsi sidaa awgeed ay u arkaan in la doonayo in iyaga lagu khasbo hilib bakhti ah, laakiin ay diidyaan oo ay ka dhidhiyi doonaan haddii kalana dalalkii ay ka soo jeedaan ay ka soo waaridan doonaan hilib xalaal ah.

Dalka Poland waxa ka jira ilaa labaatan kawaan oo lagu gawraco xoolaha nool iyo digaaga, ay isticmaalaan dadka Yuhuuda iyo Muslimiinta ahi, sidoo kale waxa jira, kooxo dhakhaatiir ah oo iyaga laftoodu ku talinayay muddooyinkii u danbeeyay in lagu dhaqmo qaabka gawraca oo xoolaha la gawracaa ay ka caafimaad badan yihiin kuwa kale ee Suuxdinta lagu dilo oo dhiiga ku noqdaa caafimaad daro keeno.

Waxaa Qoray
Faysal Maxamed Xasan

 

Readers Comments (0)




Wararka

Danjire M.Cali Ameeriko Halyeey Somaliyeed

Waa Kuma Maxamed Cali Nuur  “Ameeriko” ?????? Dad badan oo Soomaali iyo shisheeye isugu jira waxaa hubaal ah in ...
Jack

Muqdisho Oo Saaka Gashay Jawi Cusub Iyo Isbaarooyinkii Oo Laga Qaaday

Muqdisho:-Waxaa maanta Malagaalada Muqdisho laga dareemayaa jawi cusub ay farxadi ku dheehan tahay, kadib markii Ciidamada Xooga Soomaaliyeed ...
CPT-Cape-Town-panorama-from-aircraft-b

Capetown iyo Soomaalidii 1950-kii “Warbixin xiiso badan

Mid ka mid ah weeydiimaha ugu caankasan ee Soomaalida dalkani ay dhexdooda is weeydiiso ayaa ah “goormaa ayaad ...
libaax-iyo-Madoobe3

Ciidamada Raskambooni iyo Ahlu Sunna oo ku biiraya Ciidamada dowlada

Kismaayo:-Dowlada Somalia ayaa waxaay qorshaysanaysa in ay  dhawaan Ciidamada  Ahlusunna Waljamacaa iyo Raskambooni  ku darto Ciidamada Xogga Dalka ...
Arday

Boqolaal arday oo ka qalinjibisay Jaamacada Simad

Muqdisho:-Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay ku qalin jebinayeen in kabadan 600 Arday oo iyagu ...
Dr.-Saacid

Waa maxay ujeeda Muqdisho ciidamo gaar ah loogu sameynaayo???,,

Muqdisho:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay uga hadleen arrimaha dalka gaar ...
itoobiya-300x200

Xilligee ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan Somaliya???

Adiss ababa:-Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in Ciidamadeeda aysan kala baxeen Soomaaliya ilaa inta laga ciribtirayo Kooxda Al-shabaab ,iyadoo ...
muzafer_ermis19ac0deb198e4a98by

Wasiirka Howlaha Guud Iyo Dib U Dhiska Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Turkiga

Muqdisho:_Wafdi ballaaran oo Turki ah oo isugu jira Ganacsato iyo Injineero ayaa saaka soo gaaray xafiiska Wasiirka wasaaradda ...
Faroole

Dadka reer Boosaaso oo soo dhaweyn diiran usameeyay Faroole+Sawiro

Bosaaso:-Duleedka xarunta ganacsiga Puntland ayaa si weyn maanta 29 November,2012 loogu soo dhoweeyey madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed ...
Kismaayo1

Dagaal xoogan oo Kismaayo ka dhacay.

Kismaayo:-Mid kamid ah dagaaladii ugu xooganaa ee ay waayadan isaga hor yimaadaan ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ayaa maantaka ...
.