Webka saacadle.com had iyo jeer wuxuu ku dadaalaa sidii aqristiyaashiisa ku taxan boga jacayl ka ugu xaqabtiri lahaa arimaha jacayl ka. Jacayl ku waa rabitaan ku beerma qofka, waxaana qofkasta oo wax jacel lagu gartaa calaamado ku waas oo waliba soo ifbaxa xili danbe oo jacayl ku daaro ka dhisto qalbigiisa.
Hase yeeshee qofna majecla in si sahal loo ogaado sirtiisa jacayl oo wuxuu daneeyaa isaga oo kaliya inay ku koobnaato. Hadaba astaamaha lagu garto qofka wax jacel aad ayey ufara badan yihiin, laakiin waxaan maqaal keena ku xusaynaa inta aan isleenahay way ugu muhiimsan yihiin.
Ugu horayn waxaa lagu gartaa inuu hiyi kaco marka lagu soo hadal qaado arimo ku saabsan qofka dhigiisa ah ee uu jacel yahay,waxaana wajigiisa durba kasoo ifaya dareen farxadeed iyo muusoobid, wuxuuna xili kasta sii jeclaystaa ka sheekenta iyo falaaqaynta arimaha ku saabsan qofka uu jacel yahay,wuxuuna mar walba ku dadaalaa ilaa waqti in ka sheekeentiisa ama ka sheekeenteeda la sii wado si uu ugu raaxaysto hadal haynta lamaantiisa.
Hadii wax xumaan ah laga sheego markiiba wuu xanaaqayaa oo ka damqadaa, wuxuuna bilaa baa ama isku dayaa inuu difaaco ama uu u ceeb asturo, hadii uu awoodi waayana goobta ayuu isaga tagaa .
Waxaa kale oo astaamaha lagu garto ka mid ah qofka wax jacel,xiiso gaar ah oo uu mar walba u hayo la kulanka qofka uu jacel yahay ,laakiin la yaabka jacayl ka lagu arkay ayaa waxa uu yahay qofkii aad jeclayd ee aad ku hamisay la kulan kiisa ayaa qacda hore marka aad aragto aad ka naxaysaa muuqaal kiisa .
Mararka qaar waxad ilaawaysaa qorshe badan oo aad rabtay inaad ugu faalooto ama aad kala tashato oo waxaa dhacaysa inaad sheeko caadi ah oo jacayl ka ka soo haray aad kula hasawdo oo aadan qorshe muhiim ah kala munaa qashoonin.
Shaqsiga wax jacel waxa uu mar walba tix galin iyo karaamayn gaar ah siiyaa qofka uu jacel yahay mana ogolaanaayo in saxar qalad ah ama dhibaato yar soo gaarto,hadii isaga uu dhibaataysan yahay tiisa uma muuqato qofka uu jacel yahay mida haysata ayaa u muuqata oo la waynaata tan isaga haysata umaba jeedo.
Qof ka wax jacel wuxuu u dhego nuglaadaa qof ka uu jacel yahay,una debecsanaadaa deeqsi ayuu u noqdaa,una naxariis falaa mar walba isagoo isku dayaya inuu qanciyo jacayl kiisa. Aqristaw hadii aad isku aragto qodobada aan soo sheeknay ogaw inuu ku soo wajahay jacayl.
W/D Wariye Maxamed Suge Ciise
Email:- salmaan64@hotmail.com