Muqdisho:-Tartan Aqooneed u jeedkiisu ahaa in dhalinyarada lagu dhiira geliyo Aqoonta,kaasoo ay soo qabana qaabiyeen Ururka DhalinyaradaNABAD-DOON YOUTH ALLIANCE ayaa shalay lagu qabtay Iskuulka Al-Cimra Baranch 4 ee Magaalada Muqdisho.
Tartankaasi waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Ardayda Wax ka barata Iskuulada Muqdisho iyo Arday ku tartameesay Magaca Ururka NABAD-DOON.
Ardaydii ka soo qeyb gashay tartanka aqooneedkaasi KADS waxaa la gudoonsiiyay abaalmarino lagu dhiir galinayay si sare loogu qaado aqoonta ardaydaasi.
Tartamada noocaani ah oo ururka NABAD-DOON ka bilaabay magaalada Muqdisho ayaa iyagu waxa ay qeyb qaadan karaan isdhex galka bulshada gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo door muhiim ah ku leh ka qayb qaadashada Nabada iyo Xasiloonida Soomaaliya.













