Friday, May 24th, 2013

Dadaalka Cali Bagadi Iyo Dardaaranka Shacabka Somaliyeed

Published on November 29, 2012 by   ·   No Comments

Nairobi:-Soomaaliya waa dal muddo badan burbursanaa waxayna ubaahantahay dad u istaaga soocelinta midnimada iyo qaranimada shacabka Somaliyeed,taas oo dhabar jab iyo naxdin ku noqon doonta cadwga dadka iyo dalka Somaliyeed.

Somali badan ayaa ayaa siyaabo kala duwan ugu sugan Kenya iyagoona Somaliya kaga soo cararay dagaalada iyo nidaam darada dalka ka hanaqaaday kadib burburkii dalka 1991.

Soomaaliya waxay safaarado kala duwan ku leedahay qaar badan oo ka tirsan Wadamada caalamka,balse safaarada ugu shaqada iyo wax-qabadka wanaagsan ayaa la isku raacay in ay tahay safarada Somaliya ay ku leedahay Kenya.

Safaarada Somaliya ee Kenya ayaa waxaa ka hwolagala Mas’uuliyiin magac iyo maamuusba ku leh shacabka somaliyeed iyo dowlada Kenya, waxaan tusaale ahaan usoo qaadan karnaa safiir Maxamed Cali Ameeriko Iyo Xoghaye ahna siihayaha Qusuliyada Cali Maxamed Shiikh oo ku caan ah Cali “Bagadi”.

Cali Maxamed Shiikh “Bagadi waa Xoghayaha safarada Somaliya ee Kenya sidookale waa siihayaha jagada qunsulka Safarada kadib geeradii allaha unaxariistee qunsulkii hore “Edsan”.

Cali Bagadi oo ah shaqsi si wanaagsan looga ixtiraamo dalka Kenya iyo shaqada safarada Somaliya ee Kenya ayaa ku caanbaxay caawinta iyo garab istaagida Somalida reer Nairobi xilli kasta oo ay dhibaatooyin lasoo darsaan.

Cali Maxamed Shiikh waxaa uu shaqo aad u muhiim ah uhayaa somalida ku dhaqan Kenya isagaoona dadka Somaliyeed si isku mid ah ucaawiya una tixgeliya xilli kasta iyo meel kasta oo ay Kenya ka joogaan.

Cali Bagadi waxaa uu noqday Shaqsi ay hadalhayaan mar waliba dadka Somaliyeed madaama uu xilli kasta uu ka fikiro waqtina kubixiya qancinta shacabka ,gaar ahaan xilliyada shaqada oo dadyow aad utiro badan oo ubaahan in loo shaqeeyo ay isugu tagaan Xarunta safaarada Somaliya ee Nairobi.

Bagadi oo dowlada Somaliya ay ku amaantay kaalinta lixaadka leh ee safarada uu kahaya iyo qaabka uu mas’uuliyiinta dowlada Somaliya uu xilli kasta ugu soodhaweeyo Kenya hadana uu dhanka Fiisayaasha ugu fududeeyo xilliyada ay safar shaqo ku imaanayaan Kenya, ayaa waxay noqotay arin sara uqaaday in Xoghaye Bagadi uu amaan baalaran shacabka Somaliyeed Dhexdiisa uu ku muteysto.

 

Somalida ku dhaqan Kenya ayaa dowlada Somaliya ka dalbanaya in Xoghaye Cali Maxamed Shiikh “Bagadi” oo xilligan si kumeel gaar ah uhaya jagada Qunsulka Safaarada Somaliya ee Kenya in si toos ah loogu magacaabyo Bagadi jagada Qunsulka safarada Kenya,maadama uu yahay shaqsi ka bixikara Shaqada qunsulka wax badana ka fahamsan qaabka ay qunsuliyada ushaqeyso, iyadoona dowlada Somaliya ay tixgelinayso rabitaanka iyo baahida shacabka Somaliyeed ee Kenya ku dhaqan ,kuwaas oo garan kara qofka uroon iyo kan u daran.

“Waxaan Dowlada Somaliya ka dalbanaynaa in ay si rasmi ah qunsuliyada safaarada Somaliya ee Kenya loogu magacaabo cali Bagadi waayo waa shaqsi Somalinimo ku shaqeeya hadana jecel hormarka dadkiisa” waxaa sidaas yiri Cabdi Axmed oo ah ganacsade Somaliyeed oo Nairobi Ku nool.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Somalida ah ee Kenya ayaa Cali Bagadi ku amaanay sida uu ula shaqeeyo xilliyada ay Kenya ka dhacaan arimaha Quseeya Somaliya ee dhanka amaanka laxiriira.

Xoghayaha Safaarada Somaliya ee Kenya ahna Siihayaha jagada qunsulka cali Maxamed Shiikh ayaa Mustqabal wanaagsan ku leh siyaasada Somaliyada maadan uu yahay shaqsi wadani ah dalkiisa iyo dadkiisana Jecel.

Waxaa lama hilmaamaan ah in Cali Maxamed Shiikh Bagadi uu ku dadaalay sidii xabsiga looga siidayn lahaa ku dhawaad 200 oo dhalinyaro Somaliya kuwaas oo siyaabo kala duwan ay ciidamada Kenya ugu xeraan Xabsiyada Nairobi, xilli ay xaafada Islii howlgal ay ku sheegeen sugida amaanka ay ka fuliyeen, inakstoo ay u muuqatay in Somalida sigooni ah loo bartilmaameedsanayay

Hadii Cali Bagadi uu sidaas udadaalay miyuusan mudnayn in dowlada Somaliya ay si rasmi ah ugu magacaawdo jagada Qunsulka Somaliya ee Kenya.

Su,aashan jawaabteeda waxay dadka Somaliyeed ee Kenya kunool ka sugayaan Madaxweynaha Qaranka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Dhamaan cid kasta oo Somalinimo iyo wadaniyad ay ku Jirto.

W/Q: Maxamed yare.

Qoraa Somaliyeed oo Isha kuhaya Siyaasada Somaliya.

Readers Comments (0)




Wararka

Danjire M.Cali Ameeriko Halyeey Somaliyeed

Waa Kuma Maxamed Cali Nuur  “Ameeriko” ?????? Dad badan oo Soomaali iyo shisheeye isugu jira waxaa hubaal ah in ...
Jack

Muqdisho Oo Saaka Gashay Jawi Cusub Iyo Isbaarooyinkii Oo Laga Qaaday

Muqdisho:-Waxaa maanta Malagaalada Muqdisho laga dareemayaa jawi cusub ay farxadi ku dheehan tahay, kadib markii Ciidamada Xooga Soomaaliyeed ...
CPT-Cape-Town-panorama-from-aircraft-b

Capetown iyo Soomaalidii 1950-kii “Warbixin xiiso badan

Mid ka mid ah weeydiimaha ugu caankasan ee Soomaalida dalkani ay dhexdooda is weeydiiso ayaa ah “goormaa ayaad ...
libaax-iyo-Madoobe3

Ciidamada Raskambooni iyo Ahlu Sunna oo ku biiraya Ciidamada dowlada

Kismaayo:-Dowlada Somalia ayaa waxaay qorshaysanaysa in ay  dhawaan Ciidamada  Ahlusunna Waljamacaa iyo Raskambooni  ku darto Ciidamada Xogga Dalka ...
Arday

Boqolaal arday oo ka qalinjibisay Jaamacada Simad

Muqdisho:-Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay ku qalin jebinayeen in kabadan 600 Arday oo iyagu ...
Dr.-Saacid

Waa maxay ujeeda Muqdisho ciidamo gaar ah loogu sameynaayo???,,

Muqdisho:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay uga hadleen arrimaha dalka gaar ...
itoobiya-300x200

Xilligee ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan Somaliya???

Adiss ababa:-Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in Ciidamadeeda aysan kala baxeen Soomaaliya ilaa inta laga ciribtirayo Kooxda Al-shabaab ,iyadoo ...
muzafer_ermis19ac0deb198e4a98by

Wasiirka Howlaha Guud Iyo Dib U Dhiska Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Turkiga

Muqdisho:_Wafdi ballaaran oo Turki ah oo isugu jira Ganacsato iyo Injineero ayaa saaka soo gaaray xafiiska Wasiirka wasaaradda ...
Faroole

Dadka reer Boosaaso oo soo dhaweyn diiran usameeyay Faroole+Sawiro

Bosaaso:-Duleedka xarunta ganacsiga Puntland ayaa si weyn maanta 29 November,2012 loogu soo dhoweeyey madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed ...
Kismaayo1

Dagaal xoogan oo Kismaayo ka dhacay.

Kismaayo:-Mid kamid ah dagaaladii ugu xooganaa ee ay waayadan isaga hor yimaadaan ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ayaa maantaka ...
.