Tuesday, June 18th, 2013

Boqolaal arday oo ka qalinjibisay Jaamacada Simad

Published on November 29, 2012 by   ·   No Comments

Muqdisho:-Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay ku qalin jebinayeen in kabadan 600 Arday oo iyagu ka qalin jebiyey kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda SIMAD ayaa maanta lagu qabtay xarunta Jaamacadaasi oo ku taala degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeybgalay maamulka sare ee Jaamacadda SIMAD, macalimiinta Jaamacadda,Waalidiinta ay Carruurtooda qalin jebiyeen,Ardayda qalin jebisay iyo marti sharaf kale.

C/raxmaan Maxamed Xuseen Gudoomiyaha Jaamacadda SIMAD oo ugu horeyn munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay in Ardayda maanta qalin jebisay ay tiradoodu gaareysay 650 Arday kuwaasi oo iyagu Afartii sano ee aynu kasoo gudubnay wax ka baranayey kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda SIMAD.

Gudoomiyaha Jaamacadda SIMAD Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa kula dardaarmay Ardayda maanta qalin jebisay in waxa ay barteen ay ugu adeegaan dadkooda,dalkooda iyo diintooda islamarkaana ay bulshada kale ee Soomaaliyeed aqoontooda gaarsiiyaan oo aysan ka qeyb qaadan bur burka iyo dib u dhaca Dalkooda.

Qaar ka mid ah Ardayda maanta qalin jebisay oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa iyagu tilmaamay iney aad ugu farax sanyihiin munaasabadda qalin jebinta ah ee loo sameeyey iyo iney maanta gurtaan miraha ay Afartii sano ee lasoo dhaafay usoo dhabar adeygeen.

Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah Jaamacadaha u istaagay in Ardayda Soomaaliyeed ee iyagu ku nool daruufaha adag ay gudaha Dalkooda Hooyo ku bartaan ayadoo dufcadaha kala duwan ee ka qalin jebiyey Jaamacadda SIMAD iyo Jaamacadaha kale ee Dalka ka jira ay hada ka shaqeeyaan gudaha Dalka.

Xigasho, Radio Muqdisho

Readers Comments (0)




Wararka

Danjire M.Cali Ameeriko Halyeey Somaliyeed

Waa Kuma Maxamed Cali Nuur  “Ameeriko” ?????? Dad badan oo Soomaali iyo shisheeye isugu jira waxaa hubaal ah in ...
Jack

Muqdisho Oo Saaka Gashay Jawi Cusub Iyo Isbaarooyinkii Oo Laga Qaaday

Muqdisho:-Waxaa maanta Malagaalada Muqdisho laga dareemayaa jawi cusub ay farxadi ku dheehan tahay, kadib markii Ciidamada Xooga Soomaaliyeed ...
CPT-Cape-Town-panorama-from-aircraft-b

Capetown iyo Soomaalidii 1950-kii “Warbixin xiiso badan

Mid ka mid ah weeydiimaha ugu caankasan ee Soomaalida dalkani ay dhexdooda is weeydiiso ayaa ah “goormaa ayaad ...
libaax-iyo-Madoobe3

Ciidamada Raskambooni iyo Ahlu Sunna oo ku biiraya Ciidamada dowlada

Kismaayo:-Dowlada Somalia ayaa waxaay qorshaysanaysa in ay  dhawaan Ciidamada  Ahlusunna Waljamacaa iyo Raskambooni  ku darto Ciidamada Xogga Dalka ...
Arday

Boqolaal arday oo ka qalinjibisay Jaamacada Simad

Muqdisho:-Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay ku qalin jebinayeen in kabadan 600 Arday oo iyagu ...
Dr.-Saacid

Waa maxay ujeeda Muqdisho ciidamo gaar ah loogu sameynaayo???,,

Muqdisho:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay uga hadleen arrimaha dalka gaar ...
itoobiya-300x200

Xilligee ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan Somaliya???

Adiss ababa:-Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in Ciidamadeeda aysan kala baxeen Soomaaliya ilaa inta laga ciribtirayo Kooxda Al-shabaab ,iyadoo ...
muzafer_ermis19ac0deb198e4a98by

Wasiirka Howlaha Guud Iyo Dib U Dhiska Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Turkiga

Muqdisho:_Wafdi ballaaran oo Turki ah oo isugu jira Ganacsato iyo Injineero ayaa saaka soo gaaray xafiiska Wasiirka wasaaradda ...
Faroole

Dadka reer Boosaaso oo soo dhaweyn diiran usameeyay Faroole+Sawiro

Bosaaso:-Duleedka xarunta ganacsiga Puntland ayaa si weyn maanta 29 November,2012 loogu soo dhoweeyey madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed ...
Kismaayo1

Dagaal xoogan oo Kismaayo ka dhacay.

Kismaayo:-Mid kamid ah dagaaladii ugu xooganaa ee ay waayadan isaga hor yimaadaan ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ayaa maantaka ...
.