Wednesday, June 19th, 2013

Waa maxay ujeeda Muqdisho ciidamo gaar ah loogu sameynaayo???,,

Published on November 29, 2012 by   ·   No Comments

Muqdisho:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay uga hadleen arrimaha dalka gaar ahaanna ammaanka iyo dhaqaalaha.

Shirkan oo ah shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa shir gudoominayey Ra’isulwasaaraha Dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxaana golaha Wasiirradu ay si aad ah uga hadleen arrimaha ammaanka gaar ahaanna howlgalladii ugu dambeeyey ee todobaadkan laga fuliyey Muqdisho kuwaasi oo lagu qaaday isbaarooyin si sharci darro ah gaadiidka lacago looga qaadayey.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo markii kulankaasi uu soo gebageboobay la hadlay saxaafadda ayaa tilmaamay in muhiimadda kulanka maanta ee Golaha Wasiirrada ay aheyd ammaanka sidaasi darteedna kulanka lagu go’aamiyey in Ciidammo gaar ah loo sameeyey Muqdisho kuwaasi oo iyagu si aad ah u hubeysan islamarkaana qalabkooda uu u dhanyahay.

Wasiirka Warfaafinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay in magaalada Muqdisho laga qaaday isbaarooyin gaaraya ku dhowaad 60 isbaaro kuwaasi oo gaadiidka si sharci darro ah lacago looga qaadayey talaaabadaasina ay qeyb ka tahay sugidda amniga.

Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi waxa uu faah faahin ka bixiyey Ciidammadan gaarka ah ee loo sameeyey sugidda amniga Caasimadda waxaana uu tilmaamay in Ciidammadaasi ay xaafadiiba ka howlgali doonaan 100 askari ayadoo ciidammadaasina ay yihiin kuwo aanan ka tirsaneyn Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo ay yihiin kuwo gaar u ah amniga Muqdisho.

Dhanka kale shirka Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa waxaa looga hadlay hagaajinta ilaha dhaqaalaha Dalka ayadoo qodobkaasina si gaar ah looga eegay qaabka ay u shaqeyso dekedda Muqdisho oo ah isha ugu weyn ee uu dhaqaalaha kasoo galo Dowladda taasi oo ay Golaha Wasiirradu isku afgarteen in lahagaajiyo si loola jaanqaado isbedelka.

Go’aannada kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa ah kuwo dhammaantood muhiim ah adkeynta amniga Caasimadda Dalka ayadoo hadii qodobadaasi loo hirgeliyo sida kuwii hore uu amniga Caasimadda wax weyn iska bedeli doono.

Isha Warka: Radiomuqdisho.net

Readers Comments (0)




Wararka

Danjire M.Cali Ameeriko Halyeey Somaliyeed

Waa Kuma Maxamed Cali Nuur  “Ameeriko” ?????? Dad badan oo Soomaali iyo shisheeye isugu jira waxaa hubaal ah in ...
Jack

Muqdisho Oo Saaka Gashay Jawi Cusub Iyo Isbaarooyinkii Oo Laga Qaaday

Muqdisho:-Waxaa maanta Malagaalada Muqdisho laga dareemayaa jawi cusub ay farxadi ku dheehan tahay, kadib markii Ciidamada Xooga Soomaaliyeed ...
CPT-Cape-Town-panorama-from-aircraft-b

Capetown iyo Soomaalidii 1950-kii “Warbixin xiiso badan

Mid ka mid ah weeydiimaha ugu caankasan ee Soomaalida dalkani ay dhexdooda is weeydiiso ayaa ah “goormaa ayaad ...
libaax-iyo-Madoobe3

Ciidamada Raskambooni iyo Ahlu Sunna oo ku biiraya Ciidamada dowlada

Kismaayo:-Dowlada Somalia ayaa waxaay qorshaysanaysa in ay  dhawaan Ciidamada  Ahlusunna Waljamacaa iyo Raskambooni  ku darto Ciidamada Xogga Dalka ...
Arday

Boqolaal arday oo ka qalinjibisay Jaamacada Simad

Muqdisho:-Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay ku qalin jebinayeen in kabadan 600 Arday oo iyagu ...
Dr.-Saacid

Waa maxay ujeeda Muqdisho ciidamo gaar ah loogu sameynaayo???,,

Muqdisho:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay uga hadleen arrimaha dalka gaar ...
itoobiya-300x200

Xilligee ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan Somaliya???

Adiss ababa:-Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in Ciidamadeeda aysan kala baxeen Soomaaliya ilaa inta laga ciribtirayo Kooxda Al-shabaab ,iyadoo ...
muzafer_ermis19ac0deb198e4a98by

Wasiirka Howlaha Guud Iyo Dib U Dhiska Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Turkiga

Muqdisho:_Wafdi ballaaran oo Turki ah oo isugu jira Ganacsato iyo Injineero ayaa saaka soo gaaray xafiiska Wasiirka wasaaradda ...
Faroole

Dadka reer Boosaaso oo soo dhaweyn diiran usameeyay Faroole+Sawiro

Bosaaso:-Duleedka xarunta ganacsiga Puntland ayaa si weyn maanta 29 November,2012 loogu soo dhoweeyey madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed ...
Kismaayo1

Dagaal xoogan oo Kismaayo ka dhacay.

Kismaayo:-Mid kamid ah dagaaladii ugu xooganaa ee ay waayadan isaga hor yimaadaan ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ayaa maantaka ...
.