Wasiirka Howlaha Guud Iyo Dib U Dhiska Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Turkiga
Published on November 29, 2012 by codka · No Comments
Muqdisho:_Wafdi ballaaran oo Turki ah oo isugu jira Ganacsato iyo Injineero ayaa saaka soo gaaray xafiiska Wasiirka wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska uu ku leeyahay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Markii ay soo gaareen Xafiiska wasaaradda wafdigaan uu hogaaminayay H.Muzaffer ERMIS oo ah Maamulaha guud (Genaral Manager) ee shirkada Ganacsiga Alport dalka Turki ayaa waxay kulan la qaateen Wasiirka wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska mudane Muxyadiin Maxamed Kaalmoy iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda.
Wafdiga Turkiga ayaa ugu horentii ka hadlay ujeeddada socdaalkooda soona bandhigay Document-tiyo ay ku qoran yihiin wax qabadkooda iyo dalalka ay ka soo shaqeeyeen waxayna codsadeen in gacan lagu siiyo dib u dhiska dalka Soomaaliya .
“Xubnaha wafdigan waxay isugu jiraan ganacsato, injineerro iyo saraakiil ka socda wasaaradaha dalka Turkey, waxayna u gudogalayaan sida ugu habboon ee dib-u-dhis loogu sameyn karo Muqdisho,” ayuu yiri Engin HARBUTOGLU oo ah (Operation Chief) shirkada Alport.
Ugu dambeeyntii Wasiirka wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska ayaa u sheegay wafdiga Turkiga in ay diyaar u yihiin gacan siinta iyo dib u dhiska dalka iyadoona wasiir Muxyadiin Maxamed Kaalmoy uu uga mahadceliyey wafdi iyo madaxda shirkada Ganacsatada ee Alport taageerada iyo Maalgashiga ay ku sameynayaan dalka Soomaaliya.
” waxaan soo dhaweyneyaa mar walba cidii dib inoogu dhisayso bur burkii naga soo gaaray dagaaladii sokeeye, dalkeena waxa uu u baahan yahay in dib u dhis tayo leh ee ku soo dhawaada Muqdisho Somaliya ” sidaana waxaa yiri Wasiir Kaalmooy.
Wasiirka wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska ayaa Dawladda turkiga ku amaanay fir-fircoonida xiriirka caalamiga ah ee ay la leedahay Dunida inteeda kale gaar ahaan Soomaaliya.
Isha Warka: Warqaad.com
Wararka
Waa Kuma Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” ??????
Dad badan oo Soomaali iyo shisheeye isugu jira waxaa hubaal ah in ...
Muqdisho:-Waxaa maanta Malagaalada Muqdisho laga dareemayaa jawi cusub ay farxadi ku dheehan tahay, kadib markii Ciidamada Xooga Soomaaliyeed ...
Mid ka mid ah weeydiimaha ugu caankasan ee Soomaalida dalkani ay dhexdooda is weeydiiso ayaa ah “goormaa ayaad ...
Kismaayo:-Dowlada Somalia ayaa waxaay qorshaysanaysa in ay dhawaan Ciidamada Ahlusunna Waljamacaa iyo Raskambooni ku darto Ciidamada Xogga Dalka ...
Muqdisho:-Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay ku qalin jebinayeen in kabadan 600 Arday oo iyagu ...
Muqdisho:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay uga hadleen arrimaha dalka gaar ...
Adiss ababa:-Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in Ciidamadeeda aysan kala baxeen Soomaaliya ilaa inta laga ciribtirayo Kooxda Al-shabaab ,iyadoo ...
Muqdisho:_Wafdi ballaaran oo Turki ah oo isugu jira Ganacsato iyo Injineero ayaa saaka soo gaaray xafiiska Wasiirka wasaaradda ...
Bosaaso:-Duleedka xarunta ganacsiga Puntland ayaa si weyn maanta 29 November,2012 loogu soo dhoweeyey madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed ...
Kismaayo:-Mid kamid ah dagaaladii ugu xooganaa ee ay waayadan isaga hor yimaadaan ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ayaa maantaka ...